Macno u yeel noloshaada
Macno u yeel noloshaada waa u abuur Dareen iyo nuxur noloshaada. Haddaba akhriso qodobo kaa caawin kara...
WALWALCAAFIMAADKA MASKAXDASELF-IMPROVEMENT
2/10/20252 min read


Noloshu waxaa ay leedahay caqabado, culaysyo, casharo, hadafyo iyo abaalmarino, waxaana qof waliba ka dhexraadiyaa macno iyo u jeedooyin uu doonayo in uu ka dhabeeyo inta uu baaqi ku yahay nolosha. Raadinta macnaha nolosha waa safar qaarkeen ay si dhib yar ku haleelaan, halka qaarna uu gabalka ku dhaco iyaga oo aanan weli helin wixii nuxurka u sameyn lahaa.
Waqtiyadii dambe waxaa hoos u dhacay dhadhankii nolosha, waxaa ayna dadku noqdeen kuwa qafilan oo ka daahsoon u jeedooyinkii ay ka lahaayeen nolosha. Mid kamida sababaha dhaliyay qaflanaantani waa Casriyowga iyo Tiknoolajiyadda oo si arxan darran meesha uga saartay nolosha dhabta ah iyo macaanideeda sida la dhaqanka dadka iyo deegaanka. Waxaa meesha ka baxay Martisoorkii, dariswanaagii, qaraabasalaankii Iyo u fiirfiirsashadii nolosha sida dhirta, gabaldhaca, iyo dayaxa. Waxaa aanu noqonay dad ku dhex xabisan Daaro iyo kuwa dulfoorara Taleefanada gacanta. Noloshu halkaasi ayay ku macno beeshay, diiqad iyo walaacna waa ay la daris noqotay.
Ugu horreyn waxa macnaha naftaada u samaynaya waa in aad dareento in aad tahay ruux jira oo qiimo ku dhex leh bulshada. In aqoontaada, fikirkaaga, caawintaada, iyo la jooggaaga ba uu qiimo u leeyahay dadka kale ayaa ah waxa reereynta, faraxadda, kalsoonida, qiimaha, tamarta iyo macaaha kuu sameynaya, waxaa ayna tani muhiim u tahay caafimaadkaaga maskaxda.
In aad garato qiimaha shaqsiyaddaada, sababta aad u nooshahay iyo hiigsiga kama dambeysta ah ee aad leedahay kaasi oo aad u huri karto waqtigaaga, maalkaaga, iyo naftaada ayaa iyadana ah waxa macnaha u yeelaya noloshaada. Tani waxa ay ka marqaati kacaysaa in aad tahay qof jira oo leh afkaaro iyo doonis.
Howlaha aad sida maalin laha u qabato qaarkood ayaa noqon kara waxa micnaha u sameynaya noloshaada sida cibaadada aad samaynayso, shaqada ama waxbarashada aad aadayso iyo jimicsiga aad samaynayo maalin kasta waayoo dhamaan waxaad ka leedahay u jeedooyin fogfog oo liibaantaada aduun iyo tan aakhrio la xariirta. Waxa aad u ekaanaysaa qof nolosha kaalin ku leh, naftiisa hogaaminaya oo leh qayim iyo Asluub
Waxa macnaha kuu leh ma noqon karaan hanti, dalxiis ama mansab oo qura waayoo waxaa jira dad farabadan oo intaasi ba haysta haddana aanan raaxo, dhadhan nololeed iyo caafimaad maskaxeed haysan; Waxa macnaha sameeyaa waa ruuxda iyo waxa ay ku xasisho, xaqqa iyo libinta. Caqabadaha waxaa mararka qaar loo tixgaliyaa in ay yihiin waxa macnaha u yeela nolosha.
Macno u yeel noloshaada waa u abuur Dareen iyo nuxur noloshaada.
Qodobo kaa caawin kara macno u samaynta nolosha.
Yeelo qayim, akhlaaq iyo cibaadaad ay diintaadu ku farayso, isnawaafaji aaminnaadaada iyo ficiladaada. Ka qeybqaado howlaha dantaguud, caawi masakiinta oo sadaqada bixi, ku abuur dhir jidadka, hadiyado sii saaxiibada, naftaada casuum..
Yeelo qorshayaal nololeed oo aad isku filnaasho iyo madaxbannaani ku gaarayso sida, in aad abuurto ganacsi kuu gaar ah, in aad booqato magaalooyinka aad jeclayd, in aad kordhiso ogaalkaaga oo aad taariikhda iyo buuggaagta ka agdhawaato IWM.
Yeelo han iyo Afkaaro aad u taagan tahay ka dhabeyntooda sida in aad Dulmiga ciribtirto, caddaalada garabsiiso, marwalibana xaqqa aad cadayso qiimo kasta ay ku kacayso.